ali Saciid Fiqi ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ka dib markii uu ku guuleystay codad gaaraya 83.
Halka murrashaxii la tartamayay Maxamad Cabdiraxiim Nuur uu helay 2 cod, waxaana hallaabay illaa 8 codad.
Taariikhda Cali Saciid Fiqi oo kooban
Gudoommiyaha cusub ee Barlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Faqi wuxuu ku dhashay degmada Baraawe ee gobola Shabeellaha Hoose sannadkii 1962-dii.
Wuxuu waxbarashadiisa dugsiyada hoose iyo dhexe ku qaatay magaalada uu ku dhashay ee Baraawe. Dugsiga Sare wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho.
Dr Faqi wuxuu culuumta caafimaadka xoolaha ka bartay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, isagoo markii dambena ku takhasusyo kala duwan ka sameeyay jaamacado ay ka mid yihiin Milan iyo Leipzig ee Taliyaaniga halkaas oo uu ka qaatay shahaadada PhD.
Gudoomiyaha cusub ee maanta la doortay waa diblomaasi shaqooyiin kala duwan ka qabtay wasaaradda arimaha dibadda isagoo laga soo bilaabo 2013-kii ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadamada Belgium, Netherlands, Luxembourg iyo Midowga Yurub. Sidoo kale wuxuu ahaa ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha muhaajiriinta Soomaalida ee joogta Liibiya.
Danjire Fiqi waa nin aad ugu dhaw madaxweynaha dawladda federaalka Maxamad Cabdillahi Farmaajo, waxaana arrintaasi laga dheehan karaa xillalka madaxweynuhu u magacaabay tan iyo markii uu xafiiska yimid.
Madaxweyne Farmaajo markii la doortay wuxuu Dr Cali Saciid Fiqi si ku meel gaar ah ugu magacaabay agaasimaha madaxtooyada isagoo xilkaas hayay billihii Febraayo illaa Abril 2017.
Sidoo kale wuxuu ku daray guddiga sare ee wadajirka ah ee wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya. Danjire Fiqi waxa kale oo uu xubin ka yahay guddiga dawladda federaalku u magacawday wadahadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.
- Maxay tahay sababta uusan maamulka Koonfur Galbeed u lahayn madaxweyne kuxigeen?
- Waa kuma madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed?
- Dacwadda Badda: Maxay Muna Sharmaan uga baxday Qareennada difaacaya Soomaaliya?
Cali Saciid waa aqoonyahan wax ka dhigay jaamacaddo ku yaala wadamada reer galbeedka, xubinna ka noqday ururro caalami ah oo dhinaca waxbarashada ka shaqeeya, waxaa kaloo uu soosaaray cilmi baarisyo dhawr ah, wuxuuna qoray ugu yaraant laba buug.
Waa diblomaasi afgaaban oo badanaaba aan lagu arkin fagaarayaasha Siyaasadda, waxaana lagu tiriyaa shaqo yaqaan ku eg hawllaha uu hayo.
Inkastoo aanu galin tartan adag, doorashadiisii maanta, haddana dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah waxay u arkaan aqoonyahan u soo bareerray deegaankiisa inuu wax ka qabto maadaama gobolladaas lagu tirayo kuwa ay la hareen colaado iyo abaarro isbiirsaday.
Cali Saciid waxa looga fadhiyaa inuu ka shaqeysiiyo barlamaanka Koonfur Galbeed oo loo arko mid aan shaqayn marka laga reebo inuu doorto hogaanka maamulka iyo inuu ansixiyo misaaniyadda gobolka.
Hawllaha horyaalla waxa ka mid ah is waafajinta shuruucda gobolka iyo kuwa federaalka, u sameynta sharciyada deegaannada loo daadajinyo nidaamka federaalka iyo inuu horseed u noqdo dib u heshiisiin ballaaran oo nabad ku soo dabaasha Deegaannada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.