Post View....

Rasaas xoogan oo goor dhow lagu furay guriga Sheekh Shariif ka deganyahay magaalada Muqdisho

0
58

Mas’uul ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ayaa xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay rasaas ku fureen Difaaca Koowaad ee laga ilaaliyo Guriga Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur oo ah Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran ayaa xaqiijiyay Warkaan.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Ilaaladda Sheekh Shariif aysan wax jawaabo ah ka bixin rasaasta lagu furay.

Waxa uu sheegay in ay hayaan Cadeymo ah in gaariga rasaasta furay ay leeyihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadyo ka hor sheegay in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo ku hareereysay Guriga Shariif Sheekh Axmed inkastoo dowladda Soomaaliya ay beenisay.

No photo description available.

About Author