Qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay G/sare Cusmaan Muuse Maqaarow oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Milateriga Soomaaliya.
Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa haleelay gaari Cabdibile ah oo uu Sarkaalkan saarnaa oo marayay nawaaxiga Isbitaalka Digfeer.
Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku dhintar askari, waxaana gaariga la qarxiyay oo wadada ka baxay uu waxyeelo gaarsiiyay dad kale oo goobta ka ag dhowaa.
Qaraxyada miino ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo kordhayay magaalada Muqdisho, iyadoo jimcihii ay aheyd markii Kolonyo Ciidamada AMISOM lagu qarxiyay agagaarka Suuqa Bakaaraha.