Post View....

Uganda oo Walwal ka qabta in Al Shabaab awood ku yeelato Bariga iyo Bartamaha Afrika.

0
56

Dagaalyanahada Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaq ka wada dalka Jamhuurida Dimuqraadiga ah ee Kongo, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka Gaashaandhiga waddanka Uganda, Adolf Mwesige.

Mwesige oo jeediyay warbixin sanadeedka amaan ee dalkiisa ayaa sheegay in xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ay “khatar weyn” ku tahay ammaanka dalkiisa ”Uganda waxa ay weli u nugul shahay weeraro argaggixiso” ayuu wariyayaasha u sheegay Talaadadii.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika, kaas oo ay ku wehliyaan Burundi, Uganda, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti waxa ayna in ka badan 10 dagaal aan dhamaad lahayn kula jira Xoogga hubaysan ee Al Shabaab.

“Dhaqdhaqaaqyadda ay Al-Shabaab ka wado dalalka deriska ah ee Soomaaliya, Kenya iyo kuwa laga soo warinayo DRC waa halis kusoo fool leh Uganda, iyagoo ku beegsanaya doorkeeda howlgalka AMISOM iyo xuduudaha dheer,” ayuu ku yiri warbixin-sanandeedkiisa 2020-21 sida Mustaqbal ka soo xigtay KFM New oo laga leeyahay dalka Uganda.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Adolf Mwesige ayaa carabka ku dhuftay in ay tayeyn doonan qalabka ciidankooda sidda si ay u baajiyaan”dhagarta ay kooxaha argagixisada ah u meleeyaan Uganda” sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirku waxa uu ka digay in Al Shabaab isku balaariso wadamada Bariga iyo bartamaha Afrika si ay awood iyo galaangal ugu yeelato guud ahaan qaarada Qaniga ah Afrika.

Al Shabaab awooda ugu badan ku leh gudaha Soomaaliya oo markii horaba ay ka aas-aasmeen hayeeshee hada waxa ay awood u leeyihiin in weerar dhiig badan ku daato ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya oo ka mid ah wadamada Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

 

About Author