Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre iyo dhiggiisa Kuwait Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax oo dhexmaray xiriir telefoon waxay kaga wada hadleen Arrimaha labada dal sida Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda.
Khayre iyo Al-Sabaax ayaa inta uu socday Wada hadalkooda telefoonka ah waxay ka hadleen xaaladda ka dhalatay Cudurka Coronavirus iyo saameynta uu ku yeeshay labada Dowladood gaar ahaan Soomaaliya.
Dowladda Kuwait waxay sheegtay inay diyaar u tahay garabsiinta Soomaaliya oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo, waxayna sheegtay inay u istaageyso sidii Xukuumadda Soomaaliya ay ugu caawin lahayd ka hortagga Covid-19.
Madaxda Dowladda ayaa kordhisay wicitaanada ay la sameynayaan Hoggaanka dalalka xiriirka wanaagsan kala dhaxeeyo Soomaaliya, waxaana istaagay safaradii ay ku tagi jireen dalalka kala duwan ee Caalamka sabab la xiriirta xayiraadda ka dhalatay Cudurka Corona.
Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkii tagay xiriir telefoon la sameeyay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamda Aala Thaani.