Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska DFS ayaa xalay fiidkii labo ruux oo rayid ah ku dilay Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, kadib markii muran ku saleysan Bandowga Saaran Caasimadda uu soo kala dhexgalay ka hor inta uusan si bareer ah u toogan.
Dilka kadib shacabka degmada ayaa sameeyay isku soo bax ay ku xireen inta u dhaxeysa Jubba iyo Isgoyska Bartamaha, waxaana ay gubeen taayiro, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah dilka dadkaasi.
Taliyaha Booliiska Degmada Boondheere Najiib Cabdi Abiib ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Askariga dilka bareerka ah geystay oo ka tirsanaa Saldhiggooda, waxaana uu tilmaamay inay ku wareejiyeen talliska Booliiska Soomaaliyeed.
“Ciidanka Bolsika saldhiga degmada Boondheere waxeey gacanta ku soo dhigeen askari ka tirsan isla Booliiska saldhiga Degmada Boondheere oo caawa laba qof oo shacab ah si bareer ah ugu toogtay isgooska jubo. Waxaana arintaan suurta geliyay oo aanan ka harin askariga dilka geystay Taliyaha Saldhiga Degmada Boondheere Najiib Cabdi Abiib” sidaasi waxaa lagu yiri qoraal la soo dhigay Barta Taliska Booliiska Soomaaliyeed.
Taliyaha Booliiska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo dhacdadaan ka hadlay wuxuu sheegay inay cadaaladda horgeynayaan Askariga sida bareerka ah u dilay dadka rayidka.
Waxa uu sheegay in aysan u dulqaadan doonin dilalka dadka rayidka ah, isla markaana aysan amar ku bixin falalka caynkaan oo kale, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay ku sugnaadaan Guryahooda inta lagu guda jiro xaaladda ka dhalatay Cudurka Coronavirus.
“Waxa aan ka Tacsiyeenayaa falkii dilka ahaa ee lagu dilay dadka shacabka oo aan raalli ka ahayn ama aynu amrin, waxaan ballanqaadeynaa in cadaaladda aan horgeyneeno Askariga dilkaas geystaan” Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa noqoneysa Dowladdii saddexaad oo Afrika ah oo Askartooda Bandowga ka dhashay ka hortagga Cudurka Coronavirus dad rayid ah u dila, waxaana ka horeeyay Kenya iyo Nigeria.