Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland S/guuto Muxudiin Axmed Muuse ayaa digniin u diray ganacsatada qaadka ku iibisa Deegaanada Maamulka xili amar horay uga soo baxay Madaxweyne Deni lagu joojiyay.
Waxa uu ciidamada ammaanka faray in ay gacanta kusoo dhigaan dadka ku howlan iibinta Jaadka, Darawada Gawaarida ku geysa Deegaanada Maamulkaas iyo Kabarada iyo guryaha looga ganacsado.
“Ciidamada waxa aan amrayaa laga bilaabo 7-da april 2020, waa in lasoo qabtaan dadka iibiya qaadka, Gawaarida lagu keeno, Guryaha lagu keydiyo iyo haweenka Kabarada fadhiya, milkiilayaasha jaadka waan garaneynaa, xitaa haddii ay baxsadaan iyaga oo maqan ayaa xukun ku dhacayaa” ayuu yiri Taliye Muxudiin.
Taliyaha Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland waxa uu u digay Milkiilayaasha Guryaha iyo Gawaarida uu gala kiiska iibinta qaadka, waxaana uu ku hanjabay in Ciidamada ay la wareegayaan.
S/Guuto Muxyadiin Axmed Muuse waxa uu yiri “Qaadka waxa uu lamid yahay Qamriga iyo Xashiiska, waa sharci darro in la iibiyo maadaama loo joojiyay sabab ka dhalatay kahor tagga faafidda Coronavirus, Maxkamad ayaa la horgeynayaa si loogu qaado kiis dacweedkooda, Qofkii lagu qabto iibinta Jaadka waxa uu ku dambi yahay qof iibinayay Qamri iyo Xashiis“.
Hadalka Taliyaha Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland waxa uu daba-socdaa war kasoo yeeray Madaxweyne Deni oo ahaa in Askarta iyo saraakiisha Qaar lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin qaadka sida qarsoodiga ah u gala deegaanada Maamulkaas.
Ganacsada qaadka waxa ay askarta iyo saraakiisha ku eedeeyay in shaqsiyaad qaarkood ay jaadka ka gubaan, halka kuwo kalena ay u ogolaadaan in ay ka iibiyaan dadka cuna.