Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka Igad ayaa qorshaynaya in ay dajiyaan qorshe midaysay oo ay kaga hortagayaan Faafitaanka Xanuunka dilaaga ah ee Covid-19 kaas caalamka ku dilay in ka badan 74,807 qof wali uu socdo faafitaankiisa.
Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD ayaa isniintii isku raacay in la dejiyo istiraatiijiyad wax looga qabanayo cudurka dilaaga ah ee coronavirus.
Hogaamiyayaashu waxa ay qabteen shir halmar ah oo dhanka Internet-ka ah waxa ayna isku raaceen qorsho midaysan madaama tirada dadka cudurka soo ridanayo uu sii kordhayo.
Waxaa goob joog ahaa madaxweynayaasha Yoweri Museveni (Uganda), Uhuru Kenyatta (Kenya), Ismacil Cumar Geelle (Jabuuti), Maxamed C / llaahi Maxamed Farmaajo (Soomaaliya) iyo Raiisul Wasaarayaasha Sudaan iyo Ethiopia Abdalla Hamdok Abiy Ahmed Ali sidoo kale kulanka waxaa ka qayb ahaa Kuxigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan Riek Machar oo wakiil ka ah Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir.
Tirada Kiisaska Covid-19 ee Sideeda wadan ee Igad ayaa hada ka badan, 360 iyadoo kumanaan kale ay ku jiraan karantiil qasab ah si loo xakameeyo faafitaanka Xanuunka Coronavirus.
Marka fiiriyo Nidaamyada caafimaad ee daciifka ee guur ahaan qaarada iyo karaarta uu ku socdo cudurka ayaa la saadaalinayaa in uu sare ugu kaco toddobaadyada soo socda.
Wadamada ayaa dhamaantood horay u soo rogay Xiyaarado si looga hortago Faafitaanka Xanuunka Coronavirus ee geeska Afrika.
Urur Goboleedka Igad ayaa dadaal ugu jira sidii ay u heli lahayd dhaqaale ku filan oo ay u adeegsato yaraynta Xanuunka faafa ee Covid-19 waxaana ay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Jeeg ay ku qortay 100,000 oo dollar oo wax looga qabanayo Faafitaanka Xanuunka.
IGAD waxa ay ka soo uruurisay 700,000 doolar oo tabarucaad maaliyadeed ah 430 shaqaale oo uga howlgala dhammaan xarumaheeda shaqo ee guud ahaan gobolka, tani oo tilmaan u ah u diyaargarowgooda ka qeybqaadashada dadaallada lagu bixinayo bedqabka iyo ka ilaalinta muwaadiniinta IGAD sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.
3 April, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in ay diiwaangelisay labo xaaladood oo cusub oo ah bukaanno ah, taasi oo sare u qaaday tirada guud, waxa ayna hada gaareen 7 bukaan, iyadoo mid ka mid ah bukaannadaasi uu ka soo kabtay xanuunka, mana jiro wax dhimasho ah gudaha Soomaaliya.