Waxa la filayaa in dhawaan maamul cusub loo loo magacaabo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, maamulkaa ayaa lagu wadaa in uu soo magacaabo Cabdiraxman Maxamed Xuseen Oo Loo yaqaano C/raxmaan Cawar.
Waxa uu muddooyinkii dambe kusugnaa magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka,isagoo shirka looga hadlayey Hanaanka Maamul Usameynta Baardheere Dawlada Dhexe Xubno ku jira kala hadlayey.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayuu sheeganayaa inuu yahay C/raxmaan Cawar,inkastoo Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa weli war soo saarin.
Nin Magaciisa lagu soo gaabiyey Koofi ayaana la sheegay in Degmada Baardheere loo magacaabayo Gudoomiyaheeda,kaas oo hore xilkaas usoo qabtay.
Dhinaca Kale Dawalda Federaalka ayaa Wasiir C/raxmaan Cawar udhiibeysa sida la sheegay lacagta Jubbaland loogu talo galay,lamana oga arintaas iyo sida ay Jubbaland uga fal celin doonto,waaba hadii ay dhacdee.