Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) ayaa ugu baaqay dadka ku nool deegaannada Maamulkaas inay qaataan talooyinka Caafimaad si looga hortago faafintaanka Cudurka Coronavirus.
Waxaa uu sheegay in dadka looga baahan yahay inay yareeyaan socodka badan iyo isu imaatinka sidoo kalena ay taxadar dheeraad ah muujiyaan.
Madaxweyne laftagareen waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed laga yareeyo culeysyada faraha badan sida in laga qaado bandowga sidoo kalena ay ka maamul ahaan ay dadaal badan bixin doonaan sioo ilaaliyo badqabka Caafimaad ee Bulshada.
Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalooyin kamid ah dalka sida Muqdisho,Kismaayo iyo Magaalooyin ka tirsan Puntland xilliyada habeenkii bandow la saaray.