Sida ay inoo sheegeen Ilo wareed kusugan Jowhar waxaa Lacago badan la bixinayey Saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay sheegeen in xasarada Mooshinka uu sii kordhay.
Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare,iyo kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe ayaa isku dhinac ah,iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle loo tashaday in xilka laga qaado.
63 Xildhibaan ayaa waxay gudbiyeen Mooshin ka dhan Ah Gudoomiye Cusmaan Barre,iyadoo Afhayeenka Baarlamaanka HirShabelle Barre uu sheegay in 54 Xildhibaan ay Mooshin ka keeneen Madaxweyne Waare.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa soo bandhigay Xog uu ka helay waxa ka socda Jowhar.
Xildhibaan Jeesoow waxa uu sheegay inay og yihiin qorshahaan in Madaxweyne Waare uu ka dambeeyo oo Lacag Shalay galab la geeyey Jowhar looguna talo galay Ka hortega Cudurka Covid 19 uu mooshinkaas u adeegsanayo.
Waxa uu sheegay in Lacagta HirShabelle loogu talo galay ay tahay Hal Milyan Dollar,balse Nus milyan ama Shan Boqol Kun Dollar La geeyey Jowhar oo wadadii loogu talo galay meel aan aheyn la geliyey.