Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegtay in si bareer ah Rasaas loogu furay guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka dib markii gaari ay leeyihiin Ciidanka Booliska uu weeraray xarunta Madasha.
Madasha ayaa soo bandhigtay Sawirro muujinaya dhaawaca gaaray darbiga difaaca koowaad ee Guriga Sheekh Shariif oo sidoo kale ay degan yihiin Madaxda Xisbiyada Qaran.
“Gaarigan ayaa si’ bareer ah rasaas ugu furay ciidanka ilaalada Sh. Shariif, waxayna askarta Guddoomiyaha Madasha muujiyeen masuuliyadd wax jawaab celin ahna kama bixin falkaas oo ay ka dhalan kartay xaalad dagaal” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Madasha.
Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur oo ah Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran ayaa xaqiijiyay Warkaan.
Waxaa uu sheegay in Ciidanka Ilaaladda Sheekh Shariif aysan wax jawaabo ah ka bixin rasaasta lagu furay.
Waxa uu sheegay in ay hayaan Cadeymo ah in gaariga rasaasta furay ay leeyihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.