Post View....

SIR CULUS: Qaabkii uu udhacay Weerarka Guriga Sheekh Shariif Deggan Yahay

0
61

Gaari ay leeyihiin ciidanka Booliska ayaa xabbado huwiyay/ku furay difaaca 1aad ee laga ilaaliyo gurigga uu degan yahay madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Sh Axmed , Ciidamada ilaalada ka ah gurigga Shariifka ayaana taxadar muujiyay, Sido kalena aan ka falcelin rasaasta lagu furay.

Waa sida uu sheegay Cabdinaasir Maxamed Sh Nuur oo xubin ka ah Xisbiga Himilo Qaran ahna dadka aadka ugu dhaw dhaw madaxweynahii hore ee dalka Shariif Shiikh axmed.

Wararka qaar ayaa sheegaya Gaari nuuciisu yahay qooqan laba shirrey Toyota, taariko number keedana uu yahay POL318 oo ah gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayaa rasaas ku furay checkpoint laga ilaaliyo Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoyga uu degan yahay Madaxweynihi hore Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Gaarigan ayaa si bareer ah rasaas ugu furay ciidanka ilaalada Sh. Shariif, waxayna askarta Guddoomiyaha Madasha muujiyeen masuuliyadd wax jawaab celin ahna kama bixin falkaas oo ay ka dhalan kartay xaalad dagaal.

Mas’uuliyada ay muujiyeen ilaalada Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa muujineysa wacyi gelinta ay ka heystaan hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran uu ugu horreeyo Madaxweynihi hore, waxaana tani noqoneysaa isku deygi seddexaad oo ah mid lagu beegsaday Hoyga Madaxweynaha iyo Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran.

Xildhibaan Yusuf Xuseen Gama’diid, Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa kormeeray barta kontrool ee la rasaaseeyey.

About Author