Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa Dhul seexashadii ugu dambeysay ka bilawday si ay u hesho Kalsoonida Mucaaradka Maamulkaasi.
Shir dhowr jeer ka dhacay Magaalada Nairobi ayaa Golaha Isbadel doonka Jubbaland iyo Xubno katirsan Maamulka Jubbaland.
Hogaamiye Axmed Islaam Madoobe ayaa shaaca ka dhigay in Heshiis lagu kala saxiixan doono Kismaayo marka la iskugu tego oo ay jiraan isku soo dhawaanshiyo.
Afhayeenkii hore Ee Dawlad Gobolleedka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax ayaa iskaga biyo diiday dagaalka qaboow ee jira iyo Heshiiska jira.
Seeraar ayaa waxa uu sheegay inta laga siinayo Lacag dhan Hal Milyan Dollarka Mareykanka iyo Jago Wasiir aanu ka qeyb noqon doonin Heshiiska Kismaayo lagu ballamay.
Waxa uu Seeraar ka dhego adeegay inuu uhogaansamo Damaca Axmed Madoobe oo beri hore ay Saaxiibo ahaayeen.