Wararka laga helaayo ilo wareedyo ku dhawdhaw maamulka Jubaland ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulkaas iyo qeyb ka mid ah dadka mucaaradka ku ah maamulkiisa ay kulo isdaba joog ah maalmihii lasoo dhaafay ay kul layaheen magaalada Nairbi ee xarunta waddanka Kenya.
Kulankan oo y garwadeen ka aheyd dowladda kenya ayaa waxaa looga arrinsanaayay waxbaayaha ay isku diidanyihin labada dhinac iyo sida ay suuragl ku noqon karto in labada dhinmac ay kawada shaqeynaaa sdii is afgarad buuxa looga gaari lahaaa khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer ka dhax taagnaaa labada dhinac.
Arrimaha ugu waaweyn ee miiska saaran ee laga wada hadlayo kuwaas oo ay dalbadeen dhinaca isbadal doonka aya waxa ugu muhiimsanaa:
- Awood qeyb cusub oo ku saleysan isku darka labada baarlaman oo ay kala dhisteen labada dhinac xilligii ay doorashadu soctay, taas oo tirada guud ka dhigeysa 150, maadaama tirada baarlamaankasta 75 xubnood.
- In lasiiyo xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka.
- In awood qeybsiga sal looga dhigo 49% iyo 51%, iyadoo mucaaradka isbadal doonka ah uu dalbaday in la siiyo 49%
- In mucaaradka awood u helaan in ay iyaga soo xulaan xubnaha buuxiya xilalka qeyb ahaan u helaan.
- In aan xil ka qaadis lagu sameyn karin xunbanaha ay iyaga keenaan, balse haddi uu jiro qof aan gudaneynin waajibaadkii la saaray, oo ay dhacdo in la badlo ay iyaga soo xulayaan ciddi booskiisa buuxin laheyd.
- In muddada maamulka laga dhigo 2 sano, iyadoo markaas ka dib la qabanayo doorasho xor ah.
- Madaxweyne Axmed ayaa sii ahaanaya madaxweynaha maamulka mudda labada sano, laakin taas bdalkeena madaxweynhu waa in uusan dib dambe isu soo sharaxin.
Haddaba, waxaan la goeyn ilaa iyo iminka in labada dhica ay qodobadaas iyo kuwa kale oo badan ay isku raaceen iyo inkale hasayeeshee waxaa l filyaa maalinta sabtida ah ee soo socta in ay soo saaran war murtiyeed ay kaga hadlayaan wixii ay isku afgarteen labada dhinac. Waana markii ugu horeysay oo ay si toos ah uwada hadlaan, waloow qabanqaabada kulanka ay leheyd dowladda Keyna.
Ugu dambeyti, waxaan sidoo kale la ogeun mowqifka dowladda faderalka Somalia ay iska taagi doono natiijada kasoo baxda kulankaasi, inkasta ay horay dowladu u qaadacday doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo dabayaaqadi sanadkii hore.