Post View....

Maamulka Somaliland oo qaar ka mid ah shirkadaha duulimaadka ka mamnuucay deegaanada Somaliland.

0
64

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay degaanadiisa uu ka mamnuucay labo ka mid ah shirkadaha dayuuradaha ee duulimaadyada caalamiga ah ku tegi jiray magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeed ay soo saartay hey’adda garoomada dayuuradaha Somaliland ayaa lagu sheegay in
Shirkadaha duullimaadyada ee Fly Dubai iyo Air Arabia lagu amrayo inaysan kasoo degi karin garoomada Somaliland.

Laguma sheegin qoraalka uu maamulka Somaliland soo saaray sababta ka dambeysa mamnuucida labada shirkadood, balse wararka ayaa sheegaya in maamulku inuu labada shirkadood ku tuhunsan yahay inay u hoggaansameen amarkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa ee maalin walba ka degi jiray qeybo ka mid ah Somalia, sababo la xiriira si looga hortago faafida cudurka COVID-19.

Shirkaddaha Fly Dubia iyo Air Arabia ayaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxayna joojiyeen duulimaadyadii ay ku tegi jireen hargeysa iyagoo aan wargelinin maamulka Somaliland, waxaana weli magaalada hargeysa tagta dayuurada Ethiopian Airlines halkaasoo ay keento rakaab kuwo

Hassan Mutawakil

About Author