Ciidamo katirsan Kuwa Haramacad ayaa la sheegay inay bilaabeen dhisida goobihii Banaanbaxyada ku bur bureen Isbuucaan horaantiisa.
Ciidanka ayaa waxay sheegeen in qaladka dhacay ay dhalinyaro si aan wanaagsaneyn u bur buriyeen meelo muhiim u ahaa Shacabka.
Mid ka mid ah Saraakiisha Howshaan gacanta ku hayey ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay bur burinta Busteejada baska lagu sugo oo dadka uwada laheyd Faa’iido,Calanka Qaranka oo la jeex jeexay iyo Sawirka Madaxweynaha oo la fujiyey.
Waxa uu Sargaalkaasi ku baaqay inaysan soo laaban wixii dhacay Sabtidii oo kale oo Banaanbax hadii la dhigayo noqdo mid caadi dadka umuujiyaan.