Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka socda Degmooyinka kala ah Diinsoor iyo Walaweyn.
Halkaas ayaa waxaa ku dagaalamaya Beelo walaalo ah,waxayna dagaaladaas sababeen khasaaro isugu jira dhimasho,dhaawac iyo barakac.
C/kariim Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay Waxgaradka degaanadaas,maamulka K/galbeed iyo Dowladda Federaalka in dagalaadaas lagu baxo si loo joojiyo dhiigga daadanaya.
BAAQ NABADEED
Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada beeleed ee ka socda deegaanada kala ah Diinsoor iyo Wanlaweyn, halkaas oo ay ku dagaalamayaa beelo walaalo ah.
Waxaan maamulka Koofur Galbeed, dowladda dhexe iyo waxgaradka deegaanadaasba u soo jeedinayaa inay halkaas ku baxaan, colaadda joojiyaa, dhiiga daadanaya baajiyaan.