Ururka Al shabaab ayaa sheegtay dagaal inay ku dileen Ciidamo ka tirsanaa dowladda Federalka Somaliya, kadib dagaal ay ku qaadeen saacadihii la soo dhaafay farriisin Ciidamada ay ku leeyihiin deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose.
Qoraalka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa lagu tababaray saldhigga Turkiga ee M/Muqdisho.
Lama oga khasaaraha dhanka Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xaalada ayaa haatan degan, balse ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay saaka dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen gobolka Sh/Hoose.
Saraakiisha Ciidamada Militariga dowladda wali kama aysan hadlin hadalka ka soo baxay Shabaab ee ku aadan inay dileen Ciidamo ka tirsan dowladda.
Tan & markii Shabaab laga qabsaday gacan ku haynta deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose, wali waa ay ka samri la, yihiin Magaaladaasi.