Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa Maqribkii lagu dilay Askari katirsanaa Ciidamada Dawlada.
Askarigaan ayaa la sheegay inuu qaabilsanaa Qeybta Laanta Suuq Bacaad,iyadoo wararka qaar ayaa sheegaya in Qeybta Canshuurta Suuq Bacaad uu maamuli jiray.
Suuqa Miijiska Ee Yaaqshiid ayuu guri uu ka degganaa meel ku dhaw ay Koox ku hubeysneyd bistoolado dilkaas fuliyeen.
Inta badan dilalka Ceynkaan ah waxaa fuliya Ururka Al Shabaab.