Post View....

Xoog ayaan leeyahay.Yaa igu aado ?

0
72

Waxaan heeystaa Nuclear Bamb ( F.S: 1-8) waxaan heeystaa Biological Bamb ( F.s: 9-11) waxaan heeystaa Hydrogen Bamab ( ( F.S: 12-13 ).

waxaan heeystaa Maraakiibta Gujiska & kuwa Dayaaradaha xambaara ( F.S: 14-16) waxaan heeystaa Taangiyo casiriya iyo Rasaas ka tira badan Dadka Dunida ku nool (FS: 17-18).

Hubkaa Awooda badan, waxaan ugu talagalay Cadaw kasta oo na soo weeraro in aan isaga difaaco, kii aan u arko in uu danaheena halis ku yahayna aan ku Burburino.

waxaa kale oo aan heeystaa Qorsha Siyaasadeed oo aan Cadawga ku burburiyo, iyo mid dhaqaale oo kii aan rabo Madixiisa aan dul dhigo Lacag aan u balan qaado Cidii Cadawga xog ka keento.

yaaaaaa, yaa, Waxaa yimid Cadaw aad u yar oo aan Ishu qaban, kaa oo weliba soo jiiray Shacbkii iyo Ciidamadii, toosna ugu soo gudbay Madaxdii Awooda is biday. ( F.S: 19aad) yaa yaa, kan xisaabta kuma jirin.

Qofkii soo qabto cadawgaa Corono virus ee la baadi goobayo, waxaa la sii doonaa Abaal marin dhan $1Billion.

yaab, Xoogaan is bidayay aaway?

Allah ayaa Awood taama leh. inta kale Awoodoodu waa naaqus, Awood yeelo, laakin ha kibrin hana isku maleeyn kan ugu Awooda badan dunida.

Hayeey. Corono virus. Alla hanaga Najeeyo.

Qore: Yahya Amir

.

About Author