Garbahaarey:-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM lagula beegsaday magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Qaraxaas oo nuuciisa lagu sheegay miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya
Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa ciidamada Itoobiya uga geeriyootay qaraxaas, sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jiraan dhaawacyo kale oo qaraxaas ka soo gaaray ciidamada Itoobiya.
Ciidamada ayaa markii uu qaraxu haleelay waxa ay marayeen agagaarka saldhigga ugu weyn ee Garbahaarey ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Dhinaca kale ururka Al-Shabaab oo war ka soo saaray qaraxaas ayaa dusha u ritay mas’uuliyadiisa, iyagoo sheegay in ay khasaare badan ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.