Post View....

Dagaal maanta ka dhacay duleedka Kismaayo iyo Howlgalo lagudoonayo in lagu aaso meydadkii shalay.

0
70

Kismaayo:-Wararka aan ka heleyno gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen miliishiyo beeleedyo hubeysan oo deegaanka wada dagan.

Odayaasha iyo culimada deegaanka ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu aaso meydadka dad ka badan 10 ruux oo labada dhinac ay iskaga dileen dagaaladaas.

Meydadkaas ayaa waxaa la sheegay in ay weli yaallaan deeganadii ay shalay ku dagaalameen labada maleeshiya beeleed, sida ay u sheegeen saxaafadda xubno ka mid ah dadka ku howlan waan-waanta laga dhex wado dhinacyada dagaalamaya.

Inkasta oo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu aaso meydadkii ku dhintay dagaalkii shalay oo weli banaanka yaalla, hadana waxaa socda dadaallo ay dhinacyadu gurmadyo iskugu uruursanayaan, waxaana cabsi badan laga qabaa in mar kale ay xaaladdu faraha ka baxdo oo labada maleeshiyo beeleed ay dagaalamaan.

Dagaallada u dhexeeya miliishiyo beeledyada ee ka dhacaya duleedka Kismaayo ayaa soo noqnoqday dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana horay loogu guul-dareystay in heshiis la dhex dhigo. In kastoo waxgaradka qaar ay aad u dhaliilayaan dadaal yari ay ka tirsanayaan dhanka maamulka Jubbaland.

About Author