Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa yeelatay Xoghayaha joogtada ee Wasaaraddaas oo loo magacaabay Maxamed Cali Nuur Danjirihii hore Soomaaliya ee Dalka Jabuuti waxaana uu badalay Maxamed isaaq Aadan.
Xilkaan waxaa si KMG ah usoo qabtay sagaal xubnood oo kala ah,
1- Danjire Maxamed Shariif Maxamuud
2- Danjire. Cabdisalaan Xaaji Axmed Liiban “Dhabancad”
3- Avv. Xirsi Xaaji Culosow Xirsi
4- Cabdi Ciise Diirshe
5- Cabdullahi Dool Maxamed
6- Sheekh Yuusuf Cali Maxamed “Yuusuf Afgooye”
7- Danjire. Cali Maxamed Cali “Cali bin Cali”
8- Danjire. Saciid Xaaji Maxamuud Faarax
9- Maxamed Isxaaq Aadan
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Cabdulqaadir Axmed-Khayr Cabdi ayaa xilka u kala wareejiyay Danjire Maxamed iyo xoghayihii KMG ahaa Wasaaradda arrimaha dibadda.
Ujeedka loo magacaabay Danjire Maamed Cali Nuur waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya in uu dedejiyo qorshooyinka shaqo ee horyaalla, iyada oo loo marayo heerka wasaaradda iyo kan caalamiga ah.
Xoghaye Maxamed Cali Nuur waxa uu xilkaan kaga dhigan yahay in jagadaan la magacaabo 29-sano kadib, waxaana magacaabista Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo aan KMG ahayn ugu dambeysay 26-kii Janaayo 1991-dii, waxaana xiligaas la magacaabay Danjire Cabdullaahi Xaaji Cabdiraxmaan (Sayidka).
Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda aanay yeelan Xoghaye joogto tan iyo 26 Janaayo, 1991 oo dowladda dhexe ee dalka ay burburtay xilligaasi, waxaana xoghayihii joogtada ugu dambeeyay Wasaaradda ee shaqeeyay dhammaadkii sanadkii 1990 uu ahaa Mudane Danjire Cabdullahi Xaaji Cabdiraxmaan “Sayidka”.
Tan iyo dib-u-soo-nooleynta shaqadii iyo howlihii Wasaaradda Arimaha Dibadda xilligii dowladihii KMG ahaa laga soo bilaabo 2000 illaa 2012, waxaa maareyn jiray dhowr agaasimeyaal guud.
2013-kii ilaa waqtigaan Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa maareeyay sagaal xoghaye joogto KMG ah oo ugu dambeeyay Maxamed Isxaaq Aadan.