Post View....

XOG: Farmaajo Oo Diiday Dalab Culus Oo Uga Yimid QM Oo La Xiriira Axmed Madoobe

0
59

Ka dib kulan gaar ah oo madaxweyne Farmaajo iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga arrinsaday xaaladda dalka iyo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo iyo James Swan ayaa isla meel dhigay hanaanka ugu wanaagsan ee la isugu soo dhoweyn karo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Dowladda Federaalka si horay loogu sii wado geedi socodka dhismaha Dowladnimada iyo federaaleynta dalka.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu diiday soo jeedin uga timid Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan,taas oo ku aadaneyn inuu aqoonsado dib u doorashada madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe si u sii hoggaamiyo afarta sano ee soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu boob iyo xoog sheegasho uu ku soo baxay,islamarkaana loo baahan yahay in dib u qabto doorasho loo dhan yahay oo qeyb ay ka tahay Dowladda Federaalka.

Beesha caalamka ayaa ka walaacsan xiriirka aan wanaagsaneyn ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland,taas oo rajo xumeyn karta doorashada la filayo iney dalka ka dhacdo 2020/21.

 

About Author