Madaxda Ahlu suna ayaa dadaal badan u galay inay ka baxaan xarunta INJI ee dagaalku ka dhacay, iyagoo dalbaday in ciidamada AMISOM ay damaanad qaadaan Amnigooda.
Wadahadal uu hormuud ka ahaa C/samad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu suna ayaa shalay iyo xalay oo dhan u socday wakiilada Beesha Caalamka, AMISOM iyo madaxda Dowladda Federaalka o uu arintaas masuul uga ahaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo la isku mari waayey halka ay ku dambeynayaan madaxda Ahlu suna.
Xogta laga helay ayaa sheegeysa in madaxda dowladda Federaalka siiba Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu diiday in madaxda Ahlu suna laga saaro magaalada ama ay AMISOM ku lug yeeshaan arrintooda, isagoo ku adkeystay inay isu dhiibaan ciidamada dowladda.
Hoggaamiyaha Ahlu suna iyo madaxda la socota ayaa qorshahoodu yahay inay ka baxaan magaalada Dhuusamareeb, iyagoo tegaya degaan u dhow magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo dowladda Soomaaliya ay ka cabsi qabtay inay dib isugu abaabulaan.
Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ku qaadatay in si awood ah lagu soo afjaro Ahlu suna oo Madaxdoooda ay muddo sanad ku dhow waanwaan kula jirtay, balse markii dambe madaxweyne u magacaabay madixii xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, magaalada Dhuusamareeb-na ay noqotay magaalo ay laba madaxweyne joogaan.
Ciidamo cusub iyo dagaal qaraar oo xalay saqdii dhexe kadib ciidmada dowladda ku qaadeen xarunta INJI ayaa keenay in madaxda Ahlu suna go’aansadaan inay is dhiibaan oo dagaalka lala joojiyo, waxaana waanwaan iyo dood dheer kadib ay shuruud ka dhigeen inay isu dhiibayaan oo hubkooda, ciidamadooda iyo waliba ammaankooda uu masuul ka yahay isuna dhiibayaan taliyaha guutada 15-aad, qeybta 21aad ee ciidamada xoogga dalka oo hore u ahaa taliyaha ciidamada Ahlu suna.
Ma cadda halka ay ku dambeyn doonaan Madaxda Ahlu suna iyo sida ay suuragalka u noqon doonto in taliye Mascuud uu ku heyno karo, waxaase lagu wadaa in waanwaan laga dhex dhaliyo madaxda Ahlu suna, Madaxweyne Qoorqoor iyo madaxda dowladda Federaalka.