Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa saaka deggan kaddib dagaal culus oo tan iyo xalay halkaas ku dhexmarayay ciidammada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaacah. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkaasi gaystay.
Wararka aan ka heleyno degmadaas ayaa sheegaya in xerada Inji oo ay hore u degganaayeen ciidamada Ahlu Sunna ay haatan la wareegeen kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya. Ilo aad ugu dhow Ahlu Sunna oo codsaday inaan magacooda la shaacin ayaa BBC-da u xaqiijiyay in wada hadal iyo dhexdhexaadin laga dhex waday Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda federaalka ay sababtay in hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaacah ay isku dhiibaan ciidamada dowladda.
Sheekh Maxamed Shaakir, oo sheegta inuu yahay madaxweynaha maamulka Galmudug ee garabka Ahlu Sunna Waljamaacah, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shacabka gobolka dartiis ay u tanaasuleen
“Waxaan halkan ka sheegeynaa oo aan ka caddeyneynaa dhibaatooyinkii ka dhacay caasimaddan, inaan go`aansannay inaan soo afjarno oo aan dadka shacabka ah u turno, taas darteed ayaan u tanaasulnay, makrii aan aragnay in dhib badan uu soo wajahan yahay oo wixii dhacay wax ka badan ah”
“Hore Dowladda Federaalka ammaankii caasimadda waan ugu dhiibnay, haddana waxaan leennahay amnigii Galmudug oo dhan dowlada waxaa laga rabaa inay ilaaliso oo ay iyada u sameyso ciidankii Galmudug, in la ilaaliyo shacabka ayaa la rabaa, waxaan rabnaa inay dowladda mas`uuliyadaas qaaddo, mana rabno in mar dambe ay wax dhib ah nagu soo gaaraan.” ayuu yiri.
Dhanka kale, Cabdisalaan Guuleed oo falanqeeya arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in is afgarad dhex mara Ahlu Sunna Waljamaacah iyo Dowladda Federaalka aad loogu baahnaa.
“Waxaan is leeyahay dhaqaale iyo waqti badan ayaa lagu bixiyay inaysan xabbad dhicin, laakiin halkii ugu dambeysay ayay arrintu ka sirgaxatay, waxaana is leeyahay weli fursad ayaa taalla, dadku waa dad isla dhashay, waa dadkii deegaanka, madaxweynaha deegaanka ayuu ka soo jeedaa, Ahlu Sunna sidoo kale waa dadkii kasoo shaqeeyay ammaanka deegaanka. Waxaan filayaa in waxa ugu weyn ee la isku haysto ay siyaasad tahay oo aysan wax kale oo weyn jirin.”ayuu yiri.
Xigasho:BBCSomali