Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo la hadlay Ciidamo katirsan Maamulkaas waxa uu kahor sheegay in aysan u dulqaadan doonin weeraro kaga yimid dhanka Somaliland.
Wasiir Gallan waxa uu tilmaamay in Soohdinta Puntland ay tahay ku siman tahay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Puntland ayuu tilmaamay in aysan gacmaha ka laaban doonin daan-daansi uu sheegay Wasiirka Amniga Puntland in ay wadaan Somaliland, waxa uu ciidamada kula dar-daarmay in ay ku sugnaadaan deegaanada Xadka ah.
“Wax badan aan wax xeerinay, Wax badan ayaan nabadgalyada ilaalinay, balse waxa aan maanta idinka hor ballanqaadayaa in aan gacmaha ula tagi doono Somaliland, waxa aan ka fakirenyay Ceerigaabo nabadgalyo maku wada noolaan karnaa sida Magaalada Gaalkacyo” ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.
Xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland oo salka ku heyso Maamulka qaybo kamid ah Sool iyo Sanaag waxa uu sababay dagaal dhexmara Ciidamada labada dhinac, waxaana wali muuqda abaabul Ciidan oo ay kala sameysanayaan.