Danjiraha Somalia u jooga Xarunta QM, Ambassador Abuukar Daahir Osman waxa uu hadalkaasi ka sheegay Kulan ay Golaha Ammaanka ee QM yeesheen, wuxuuna si kulul ugu eedeeyey Ciiddanka Kenyaanka ku sugan gudaha Somalia inay Deganaansho la’aan ka wadaan Somalia, wuxuuna ka codsaday QM inay tallaabo ka qaadaan Kenya.
Ambassador Abuukar Daahir Osman waxa kale oo uu tilmamaay inuu sii xumaanayo Xiisadda u dhexeysa Somalia iyo Kenya, isla markaana ay DFS ku daashay dhamaan wadiiqoyinka Diplomaasiyadeed, si ay Kenya u joojiso Faragelinta iyo Deganaansha La’aanta ay ka wadaan gudaha Somalia.
Danjiruhu waxa uu ku eedeeyey Dowladda Kenya inay fargelin ku hayso Arrimaha Gudaha ee Somalia, isla markaana ay carqaladanayso Dastuurka QM oo ay wadaan Falal liddi ku ah Nabadda
Dhinaca kale, Danjiraha Somalia u jooga Xarunta QM, Ambassador Abuukar Daahir Osman waxa uu sheegay inay qaadi doonaan talaabo kasta oo ay ku difaaci doonaan Xorriyadda iyo Midnimadda dalka Somalia.
Kenya waxaa haatan Somalia ka jooga 3m500 Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Ciiddanka Hawlgalka AMISOM oo tiradooda guud dhan tahay 20,000 oo Askari oo ka kala socda dalalka Jabuuti, Ethiopia, Uganda, Burundi iyo Kenya