Wararka ka imaanaya Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya dabley hubaysan inay dil ka gaysteen degmadaasi.
Rag Bistoolado ku hubaysan ayaa toogtay nin lagu magacaabo Cabdiwaaxid Muxumed Yarow oo ka mid ahaa dadka ku nool Degmada Dharkiinley.
Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda dilkaasi ayaa waxa ay sheegeen Cabdi waaxid inuu ka mid ahaa Shaqaalaha Baarlamaanka Somaliya sidaasina ay ku toogteen.
Dilkaan ayaa waxaa gaystay amniyaadka Shabaab oo ka baxsaday goobtii dilka ay ka gaysteen, waxaana goor dambe halkaasi gaaray Ciidamada ammaanka Somaliya.
Degmada dharkiinley ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo badanaayay falalka amnidarada ah ee halkaasi ay ka gaystaan Al Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa Degmadaasi maanta waxa ay ka wadaan hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayo, laguna baadigoobaayo dableydii dilka gaysatay.