Dalka Koofur Afrika waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu soo dhaweynayay Danjiraha Cusub Soomaaliya ee Koofur Afrika Maxamed Cali Mire (Nabadoon), waxaana dadkii ka qaybgalay kulanka ay ka dalbadeen safiirka in uu wax ka qabto dhibaatooyinka lasoo darso.
Ganacsatada qaarkood oo ka hadashay Madasha waxa ay soo jeediyeen in dhibaatooyin u badan nolosha Koofur Afrika iyo helista Baaraboorka ay la wadaageen Danjire Maxamed Cali Mire.
Waxa uu dhankiisa ballanqaaday in wixii cabasho ah oo lala wadaago uu xalin doono, dhibaatada dhanka safarka ah waxa uu sheegay in la fududeyn doono mudada uu Xafiiska ka howlgalayo.
Danjire Maxamed waxa uu ka dalbaday Ganacsatada in ay door muuqda ka qaataan gacansiinta Safaaradda iyo Howlwadeenada ka shaqeeyo, isla shaqeynta labada dhinac waxa uu sal uga dhigay looga gudbi karo Caqabadaha sida uu hadalka u dhigay.
Soomaalida kunool Dalka Koofur Afrika waxa ay la kulmaan dhibaatooyin kaga yimaada kooxo burcad ah oo badi u dhashay dalkaas, waxa ay Gubaan Goobahooda ganacsiga, sidoo kale waxa ay dhacaan Dukaamada halka dhibaatada ugu wayn tahay in ay Naftooda dhaafiyaan.
Gaabiska ugu wayn ee Ganacsatada Tilmaamaan ayaa ah in Safaaradda aanu u dhaq-dhaaqin wax ka qabashada Dhibaatooyinka joogtada noqday ee waqti dheer ay la kulmayaan, dhanka Safaaradda waxa ay iyanna sheegtaa in Dowladda Koofur Afrika ay kala hadasho.
Ganacasatada Soomaalida ee Koofur Afrika kunool waxa ay dhowrayaan tallaabooyinka uu qaado Danjiraha Maxamed Cali Mire (Nabadoon) oo u ballanqaad in uu u istaagayo kahor tagga Dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida kunool Dalkaas.