Waa xaqiiq la hubo. Markasta ay yiraahdaan dayn baan dal sabool ah ka cafiney waxey rabaan in dalkaas geliyaan dayn ka tira badan mida ay ka cafinayaan si khayraadka dalkaas ula wareegaan. Waxaa tusaale noogu filan wadamada koonfurta Ameerika iyo Galbeedka Afrika.
Daynta Soomaaliya lagu leeyahay waa $5.3 bilyan. Dayntaa waxaa IMF iyo Word Bank ka qaadatey xukuumadii Kacaanka ee kaltaliska ahayd, waxaana lacagtaas qayb kamid ah loo isticmaaley dagaalo dalka ka dhacey gaar ahaan dagaaladii gobolada waqooyi oo dad badani lagu xasuuqey.
Lacag dayn ah marka ay qaadato xukuumad kalitalis ah oo lagu galo danbiyo dagaal lama gudo dayntaas. Wadamo badan oo waxaa jira IMF iyo World Bank ku dacweeyey lacagta ay siiyeen rajiim kalitalis ah. Soomaaliya ma ahayn in dayntaas ogolaato ama aqbasho, madaama dowlad kalitalis ahayd qaadatey islamarkaana lacagtaas loo isticmaaley dagaal iyo xasuuq dadweyne.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa IMF iyo World Bank u saxiixey in lacagtaas lagu leeyahay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed waxeyna ahay khalad siyaasadeed uu galey Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh asagoon la tashan dad aqoonyahano Soomaali ah oo dhinaca maareynta Maaliyada caalamka ku fiican, shacabka Soomaaliyeedna loo soo bandhigin ayuu iska saxiixey dayntaa. Dayn Soomaaliya lagu lahayn ayuuna dusha ka saarey.
Lacag dayn ah oo xukuumad aan shacabka dooran qaadata oo loo isticmaalo xasuuq iyo layn lama gudo. Waxeyba ahayd in IMF iyo World Bank dacwad loo qabsado madaama lacagtaas lagu laayey shacab Soomaaliyeed.
Hadda waxa loo baahan yahay keliya in laga fiirsado daymaha magaca Soomaaliya lagu soo qaadayo. Wadamo waxaa jira dayn ay xukuumadahooda qaateen oo shacabka dalalkaasna aan wax loogu qaban in looga bedeshey khayraad dalalkaas lahaayeen madaama daynta aysan gudi karin.
Ilyas Mohamud Hussein