Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa madaafiic aan tiro ahaan la garan karin waxa ay saacadihii la soo dhaafay isku weedaar-sadeen degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Dadka degaanka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen inta ay madaafiicdan socotay in sidoo kale ay maqleen rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay kala ridayeen.
Waxaa la sheegay madaafiicdan ay is weedaar-sadeen Somaliland iyo Puntland in ay geysteen khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan iyo dadka rayidka ah.
Colaada ka taagan degaanka Tukaraq ayaa waxay u muuqataa inaan weli laga gaarin natiijo sax ah, baaqyo nabadeed oo la soo saaray kadib weli waxaa taagan xiisad dagaal, oo u dhaxeysa labadan maamul.