Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday inay ka qaaday xayiraadii ay ku soo rogtay sanadkii 2001dii shirkada Barakat oo ganacsi xoog leh hore ugu laheyd dalka Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Waaxda Maaliyadda ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in la joojiyay oo la xirey dhammaan eedeymihii loo haystay weerarkii 11-kii bishii September 2001-dii lagu qaaday daarahii mataanaha ahaa ee New York iyo weliba magaalada Washington ee dalkaasi Mareykanka.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xayiraada laga qaaday marka laga tago shirkada ay heli doonaan magdhow u dhiganta faa’iidada intii lacagtooda xayiraadda ay ka saarneyd.
Dhanka kale Horey xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Paul O’Neil ayaa ku eedeeyey Maamulka Shirkadda Barakaad inay mallaayiin Dollar u gudbiyaan Ururka Al-Qaacida, hayeeshee Madaxda Shirkadda arintaasi ay been abuur ku tilmaameen