Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal uu dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawiisley ayaa ka dhacay Tuulada Af qurun oo qiyaastii 48KM u jirta deegaanka Far Libaax.
macaw
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo Marayay xadka u dhaxeeya Gobolada Bakool iyo Hiiraan ay ku soo dhaceen fariisimo ay ku sugnaayeen Maleeshiyada Macawiisley.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku bilowday kala shaki, markii ciidanka Itoobiya ay soo galeen goobo ay difaac uga jireen Maleeshiyada Macawiisleyda ee dagaalanta Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal qaatay saacado uu labada dhinac ku dhex maray tuulada, waxaana la sheegayaa in ay ku dhinteen in ka badan tobaneeyo ruux oo labada dhinac isugu jira, halka kuwa kalena ku dhaawacmeen.
Dowladda Soomaaliya,Maamulka Hirshabeelle iyo AMISOM midkoona kama hadlay Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka dhexmaray Ciidanka Itoobiya iyo Xoogga la magacbaxay Macawislay kana howlagala Goboladda Hiiraan iyo Bakool.