Post View....

Kulan Albaabada u xiran oo looga hadlay amniga oo ka dhacay degmada Maxaas

0
57

Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxaa kulan ku yeeshay saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadaas iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay adkeynta amaanka guud iyo sidii ay siwadajir ah uga wada qeyb qaadan lahaayeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Hir-Shabeelle sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Maxaas Cabsi Muumin Cilmi.

“Saraakiisha amaanka degmada maxaas ayaan kawada hadalnay adkeynta amaanka guud maadama ay soo dhowdahay dhismaha golaha deegaanka degmada maxaas.

Waxeeyna si-wada jir ah uqaateen soo jeedinteeyda ayuu yiri”Guddoomiyaha.

Sidoo kale Shacabka ku nool degmada Maxaas ee uu mas’uulka u yahay ayuu ugu baaqay inay ku dadaalaan Amniga iyo horumarka si guul loo gaaro.

Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan  ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu Amniga wanaagsan Gobolkaas,waxaana gacanta ku haaya Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya & kuwa maamulka Hir-Shabelle

About Author