Post View....

Ciyaaryahan caan ah oo gaari uu watay ku burburiyay makhaayad qaxwada laga cabo

0
66

Mid ka mid ah ciyaartoyda kubadda cagta oo ku eedeysnaa inuu gaari uu watay oo noociisu yahay Bentley jiirsiiyay makhaayad qaxwada laga cabo ayaa lagu helay dambigaas.

Ciyaartoygan ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu shilku ka dhacay, uuna ku guul darreystay inuu sugo inta laga ogaanayay khasaaraha uu geystay, laakiin qeybo ka mid ah burburka gaarigiisa uu goobtaas uga tagay.

Jordon Ibe, oo 24 jir ah, kana tirsan kooxda Bournemouth oo ka ciyaarta horyaalka Premier League-ga ee dalka Ingiriiska ayaa 30-kii bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay shilkaas ku galay meheradda lagu magacaabo The Pantry, taasoo ku taalla xaafadda Bromley ee magaalada London.

Horay wuxuu u qirtay inuu si taxadar la’aan ah u kaxeynayay gaariga, laakiin waxaa lagu helay dabi ah inuu ka cararay goobta uu shilka ka dhacay, sida laga sheegay maxkamad isniintii dhageysaneysay kiiskiisa.

Ibe ayaa laga mamnuucay inuu leysinkiisa gaari ku kaxeeyo, waxaana xukunkiisa lagu dhawaaqi doonaa 3-da bisha March.

.Lahaanshaha sawirkaGOOGLE
Image captionMeheradda ayaa laga dayac tiray qeybta hore, si amniga macaamiisha lo xaqiijiyo

Garsoorka maxkamada ayaa dhageystay in ciyaaryahanka uu gaarigiisa ku dhuftay darbiga meheradda, ka dibna uu kusii dhuftay gaari kale oo halkaas yaallay, iyadoo shilkaasina uu dhacay xilli aroor hore ah oo ay saacaddu ku beegneyd 04:50, wakhtiga maxalliga ah.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in qeybo ka mid ah gaariga Ibe, oo noocu yahay Bentley midabkiisu cadyahay lagu arkay burburkii meheradda dhexdiisa, kaddib markii uu isagu halkaas ka tagay.

Maxkamada ayaa sidoo kale loo sheegay in maamulka meheradda ay dayactir ku sameeyay qeybaha hore ee aasaasiga ah, si ay nabadgalyada macaamiishooda u xaqiijiyaan.

Jonathan Morrissey, oo ah qareenka difaacayay ciyaartoyga ayaa sheegay uu wakhti ku filan sugay shilka kaddib, balse uu waayay cid la xaaltanta ama ay macluumaad kala qortaan, markaas kaddibna uu iska baxay.

Ibe ayaa heshiis u saxiixay kooxda AFC Bournemouth sanadkii 2016-kii, markaasoo uu uga soo wareegay kooxda Liverpool.

Waxaa lagu soo warramay in heshiiskiisa uu ku kacay lacag dhan £15m.

About Author