Wasiirka Amniga Dowladda Hirshabee Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa maanta xariga ka jaray Saldhiga Booliska Garoonka Diyaaradaha Ugaas khalif ee Magaalada Beledweyne, kaddib munaasabad ka dhacday halkaasi, iyadoo goob joog ay ahaayeen Taliyaha Booliska Amisom Augostine Magnus ,Taliye ku xigeenka Booliska Hirshabelle korneyl xasan Kaafi Mohamed, Madaxa Howlgalka UNSOM ee Hirshabelle Mr Benjamin Jonah, iyo Masuuliyin kale oo ka tirsan Amisom, Maamulka Degmada iyo Laaamaha Amniga Gobolka.
Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabelle oo khudbad ka jeediyay munaasabdda xarig ka jarka ayaa marka hore u mahadceliyay Amisom oo kaalin muhiim ah ka qaadatay Hirgelinta Saldhiggani oo muhiim u ah Garoonka Ugaas khaliif ee Beledweyne .
“Waxaa maanta farxad weyn inoo ah inaan si rasmi ah u daah-furno Saldhiggii ugu horreeyay ee uu yeesho Garoonka Ugaas Khalif, runtii waxey inoo tahay sharaf waxan u mahadcelinayaa saaxibadeena Amisom oo xilli kasta u taagan taageeridda Soomaaliya guud ahaan iyo Horumarinta Booliiska Hirshabelle ,waxaan rajeynayaa in Taliska Booliska Hirshabelle ay si qurux badan u maareyn doonaan Saldhigani” ayuu yiri wasiir kheyre oo ka hadlayay munaasabadaasi.
Wasiirka ayaa sido kale xusay in wasaaradda Amniga qorsheyneyso hirgelinta Dhowr saldhig oo ay yeelan doonaan deegaanada Hirshabelle waxaana uu ciidamada ugu baaqay inay dhowraan Hab maamulka saldhigyadani.
Taliyaha Booliska Amisom Augostine Magnus oo isagana goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay sharaf u tahay Hergelinta Saldhiggani cusub ee manta xarigga laga jaray isaga oo ku tilmamay Tallabo weyn oo ay qaadeen Booliiska Hirshabelle iyo guud ahan Wasaaradda Amniga Gudaha .
Saldhiggani laga daahfuray Garoonka Ugaas Khalif ee magaalada Beledweyne ayaa noqonayo Saldhiggii ugu horreeyay ee uu yeesho garoon diyaaraded guud ahaan Deegaannad Hirshabelle.