Wararka inaga soo gaaraya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Al Shabaab ay isaga baxeen Degmadaasi.
Ka bixista Shabaab ee Degmada Jamaame ayaa waxaa xaqiijiyay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federalka Somaliya ee ku sugan meel ku dhaw Degmadaasi.
Jamaame ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku sii siqaayay Ciidamada Xoogga dalka Somaliya & Ciidanka Jubbaland, waxaana jirtay culeyso Militari oo xoog leh in la saaray Degmadaasi.
Taliyaha Guutada 11-aad Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha afka Ciidamada qalabka sida ee Somaliya, ayaa sheegay saacadaha soo socda inay gaari doonaan Degmadaasi.
Lama oga sababta Shabaab ay uga baxeen Degmadaasi, balse waxaa suuragal ah Shabaab inay uga baxeen xeelad Ciidan.
Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaq Ciidan oo ka dhan Shabaab, si looga saaro deeganada ay ka joogaan Gobolka Jubbada hoose.