Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa sheegay in Qofkii diida Sharciga Doorashooyinka loo Aqoonsan Doono mid diidan Dowladdinimada Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magaaladda Muqdisho oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in Qofka Diidan Sharciga Doorashooyinka loo Aqoonsan Doono mid diidan Dowladdinimada Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa la sheegay in uu yahay mid uu ku weerarayo siyaasiyiinta diidan maamulkiisa,kuwaasi oo sheegay in Madaxweynaha Farmaajo uu doonayo in dib usoo laabto.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay sharciga doorashooyinka qaran ee heer federal oo ay dhowaan ansixiyeen golaha shacabka iyo Aqalka Sare.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku saxiixay sharciga doorashooyinka Qaran munaasabad lagu soo xirayay kalfadhiga lixaad ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre ayaa xaflad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada waxa uu masuuliyiintii iyo martidii ka soo qaybgashay uu ka hor akhriyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, ee uu Madaxweynuhu saxiixay.