Madaxweynaha Galmudug ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsan tahay Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bilaabay dadaalo Xal loogu raadinayo Xiisada Siyaasadeed ee wali ka Taagan Maamulka Galmudug, oo Dhowr maamul u qeybsan tahay ka dib Doorashadii bishii aan soo dhaafey ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.
Magaalada Dhuusamareen ee Caasimada Galmudug waxaa ka soconaya kulamo iyo Dadaalo ku aadan sidii Xal waara looga gaari lahaa Xiisad Ahalusunna iyo Maamulka Madaxweyne qoor-qoor sida ay noo sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo hada ku sugan Dhuusamareeb.
Qorshaha Wada hadalada Labada Maamul ee ka dhisan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa qeybka qaadanaya Odaayaasha dhaqanka iyo Hogaanka Ururadda Bulshada rayidka ee Deegaanada Galmudug kuwaasi oo Xal u raadinaya Khilaafka Madaxda Galmudug.
Wasiirka Tamarta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay Warbahinta ayaa sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu ku Howlanm yahay sidii Xal siyaasadeed loogu heli lahaa Arimaha Galmudug,islamarkaana uu Wada hadal kula jira Maamulada ay Hogaaminayaan Sheikh Maxamed Shaakir iyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo mid walba uu asagu sheegtay in uu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Maamulka Galmdug.
Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in Khilaafka jiraa la soo afjaro waqti kooban ka dib, si loo soo dhiso Xukumadda Cusub ee Galmudug.
Maamulka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu eedeeyey inay Magaalada Dhuusamareeb ay ka wadaan Falal ka dhan ah Shacabka Degan Magaaladaas oo Maamulkiisa uu jidadkii ka Xirtay halka qaarkoodana loo diiday inay iskaga Socdaalaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.