Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa looga shakiyay iney ka dhex shaqeeyaan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dalka iyo xubno saraakiil oo Dowladda ka tirsan.
Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in Laamaha ammaanka Madaxtooyada ay ka war heleen xog tilmaameysa iney jiraan rag lagu tuhmayo in wada shaqeyn dhow kala dhaxeyso Al-Shabaab,kuwaas oo awood buuxda ku leh gudaha xarunta.
Durba Qeybta Nabad sugida Qaranka ee ka dhex shaqeysa Madaxtooyada ayaa bilaabay iney sameeyaan baaritaan sal iyo baar ah si loo soo helo xubnaha tuhunka uu soo galay.
Sarkaal ka tirsan ilaalada Madaxtooyada oo ka gaabsaday magaciisa ayaa inoo sheegay iney xogtaas jirto,islamarkaana Hay’adaha amniga ay baaritaan deg deg ah ku dhaqaaqeen.
Madaxda ugu sareysa dalka ayaa horay u cadeeyay iney jiraan xubno ka tirsan Dowladda oo wada shaqeyn dhow la leh Al-Shabaab,kuwaas oo siiyay xogaha iyo macluumaadka ay uga baahdaan Dowladda dhexdeeda.
Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku soo qaaday Madaxtooyada Soomaaliya iyo deegaanada ku xeeran inkastoo u suurta gelin iney Madaxtooyada gudaha u galaan.