Al-Shabaab ayaa la ogaaday iney caqabad ku noqotay jidadka xiran ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay yaraadeen weeraradii iyo dilalkii qorsheysnaa ay ka geysan jireen magaalada Muqdisho.
Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay ayaa sheegay in jidadka xiran ee magaalada saameyn xooggan ay ku yeelatay ficiladooda arxandarada ah ay ka geystaan magaalada,kuwaas oo markii wadooyinka la xiray yaraadeen.
Waxay sheegeen in markii hore marka ay dilalka gaadmada ah ay geystaan ama ay gaadiidka mas’uuliyiinta horjareen ka dibna ay baxsan jireen,balse hadda taas laga isaga yimid,islamarkaana loo diiday meel ay gaadiid qaraxyo sida ay ka soo geliyaan weerar iskaba daayee.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=N0wiroqgOiI]
Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhammaan jidcadayaasha soo gala magaalada,kuwaas oo gaadiidka ay ku kala leexan jireen marka uu mashquul xad dhaaf ah jiro.