Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya amar culus ay dul dhigtay Guddoonka golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sida xogta aan ku helnay,madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray guddoonka golaha Aqalka sare iney dedejiyaan ansixinta sharciga doorashooyinka Qaranka oo horyaala,kaas oo horay u soo maray Golaha Shacabka Soomaaliya ayna soo ansixiyeen.
Ka dib kulan laga qariyay warbaahinta madaxa banaan oo ay Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha golaha Aqalka sare ku yeesheen madaxtooyada Soomaaliya ayaa si aad ah looga dooday sida ay muhiim u tahay iney golaha Aqalka sare dedejiyaan ansixinta sharciga doorashooyinka,kaas oo ah sharci muhiim u ah doorashada soo socota ee 2021.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi,ayaa madaxweyne ka dalbaday in waqti la siiyo oo ay ku eegaan sharciga si ay kaga baaraan degaan qalalaad macquul tahay in hadhow dhib kaga yimaado,wuxuuna u balan qaaday iney sida ugu macquulsan ugu dhaqaaqi doonaan sidii sharcigaas loo dedejin lahaa ansixintiisa.
Senatoro ka tirsan golaha Aqalka sare ayaa ka biyo diidan qodobo ku jira sharciga,kuwaas oo u baahan in laga saaro,balse madaxtooyada Soomaaliya ayaa diiday.
Golaha Aqalka sare ayaa akhrintii koowaad marsiiyay sharciga doorashooyinka,waxaana wali socda doodiisa.