Ciidamada Amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyey in Magaalada Kismaayo isku dal dalay Sargaal katirsanaa Ciidamada Dawladii Kacaanka aheyd.
Maalmihii dambe waxa uu iskaga daba laabanayey Ninkaan is dilay Madaxtooyada Kismaayo oo shaqo raadis u ahaa.
Eheladiisa ninka is dilay waxay sheegeen in aysan weli ogeyn sababta uu isku miidaamiyey Ee naftiisa u gooyey.
Warar ayaa sheegaya in uu waayey Shaqo uu raadinayey sidaa awgeedna Xalay uu go’aansaday inuu dhowr xabo isku dhuftay.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen ayey isku heyb yihiin ninkaan oo Ogaadeen Beesha Cabdalla ayuu ka dhashay.
Meydka ayaa maanta lagu xabaalay Qabuuro ku yaalla Kismaayo,mana jirin war kasoo baxay Laamaha Amniga Jubbaland oo ay kaga hadlayaan Sargaalkaasi is dilay.