Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii beeshiisa saameyn xooggan ugu yeelan lahayd dhismaha maamulka cusub ee Galmudug,kaas oo qorshihiisu ay ka socoto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Shaqsiyaad ku dhow Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda ayaa la aamisan yahay iney ka soo dhex muuqan doonaan xubnaha sar sare ee maamulka,kuwaas oo dhammaantood ku heyb ah Xasan Cali Kheyre oo ka soo jeeda Beesha Murusade.
Shaqsiyaadka hadda sida aadka ah loo hadal hayo ee qeybta ka ah doorashada Galmudug waxaa ka mid ah Dr. Maxamed Gacal oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre,kaas oo u ordaya xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug,waxaana kula tartamaya Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo Labadaba ay isku heyb yihiin Ra’iisal wasaaraha.
Dadka siyaasadda ku xeel dheer ayaa sheegaya in Xafiiska Ra’iisal wasaaraha uu gadaal ka riixayo ololaha musharaxnimo ee Dr. Maxamed Gacal,waxaana loo badinayaa inuu ku soo baxayo xilkaas,maadama Hantida Qaranka loo adeegsanayo.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xoogga saaray sidii loo heli lahaa Mas’uuliyiin Galmudug oo wada shaqeyn dhow la leh Villa Soomaaliya si aanay u dhicin mar kale Dowlad goboleedyo ku dhegan Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha Galmudug ayaa loo wadaa Musharax Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo daacad u ah Dowladda Farmaajo,islamarkaana shalay iska casilay xilkii Wasiiru Dowli uu hayay,waxaana loo saadaalinayaa inuu doorashada ku soo bixi doono inkastoo wax kasta isbedeli karaan.