Olole aad u xooggan oo ku aadan doorashada madaxtinimada Galmudug ayaa si aad ah looga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.
Musharaxiinta u taagan xilalka ugu sareeya maamulka Galmudug sida guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa bilaabay iney si gaar gaar ah ula shiraan Xildhibaanada cusub ee dhawaan la soo xulay,kuwaasi oo ay u xod xodanayaan sidii ay cod kaga heli lahaayeen.
Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay Xildhibanaada cusub ee Galmudug ku amartay ineysan la kulmi karin musharaxiinta mucaaradka haddii ay dhacdana loogu hanjabay in Kaarka aqoonsiga xildhibaanimo lagala laaban doono.
Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa durba bilowday iney cunaqabateyso Xildhibanaada Galmudug oo badi lagu soo xulay rabitaankeeda,waxayna Dowladda Federaalka dadaal ku bixineysaa sidii lacagta kaga baxday dhismaha Galmudug meel cidlo ah uga dhicin,islamarkaana ka gaarto dantii ay lahayd.
Dadka siyaasadda Odorosa ayaa sheegaya in boqolkii boqol uu guuleysanayo rabitaanka Dowladda haddii aanay amar kale dhicin.
Musharaxiin uu ka mid yahay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb halkaasi oo ay ka wadaan ololahooda doorashada iyo kulamada ay la yeelanayaan dadka ay ka go’do talada Galmudug.
Musharaxiinta mucaaradka Galmudug ayaa ku baaqay in loo madax baneeyo guddiga doorashooyinka Galmudug howlaha loo idmaday,islamarkaana laga joojiyo faragelinta lagu hayo.