Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa is hortaag ku sameeyey sida la sheegay Qorshe ay damacsanaayeen Beesha Waceysle.
Beeshaan waxaa ka dhashay Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo Xaaladu umuuqato mid sii cakirmeysa.
Waxgarad iyo Cuqaal Beeshaasi kasoo jeeda waxay sheegeen inay ka xun yihiin dhagarta Uu Kheyre ka sameeyey intuu kusuganaa Dhuuso mareeb.
Waxay sheegeen in ay Ka ashtako gudbinayaan Ra’iisal wasaaraha oo diiday inay beesha utartami karto Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Ilo madax banaan ayaa usheegay Badweyn in Ra’iisal Wasaaraha uu wato Maxamed Nuur Gacal oo ah Shakhsi Beesha Murusade kasoo jeedo.
Gacal ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Dhuuso mareeb,waxa uu heystaa Kalsooni inuu Xilka Afhayeenka Baalamaanka kusoo bixi doono.
Inta badan Xildhibaanada soo baxay waa ashqaas ay Xukuumada Dhaqaale ku bixisey inay Kuraastaasi Beelahooda ka helaan ayna taas ugu wacan tahay Danta Dawlada inay fuliyaan.
C/risaaq Xusul oo Beesha Waceysle kasoo jeeda islamarkaana Gudiga Farsamada Maamul Usameynta Galmudug ku jira ayaa soo banaan bixiyey Dhabar jebinta Kheyre Beeshiisa ku sameeyey.
Madaxweynihii hore Ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo gaarsiiyey Fariin Cabasho ah si uu uga hadlo Arinta Beesha Lagu kala dhantaalay Awood qeybsiga Beeshana loogu diiday inay Galmudug Gudoomiyaha Baarlamaanka Utartanto.