Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa loo diiday la kulanka Madaxda ugu sareyso Qaranka sida madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,sida uu ka hor cadeeyay fadhiga Golaha Aqalka sare oo uu ka tirsan yahay.
Senatorka ayaa markasta oo uu golahu ka hor hadlayo weerar qaawan ku qaada Dowladda Federaalka Soomaaliya,isagoona si cad uga yimaada sharciyada Golaha la horgeeyo.
Sababta uu markasta Muuse Suudi caqabada ugu yahay waxqabadka Dowladda ayaa lagu sheegay in loo diiday la kulanka madaxda qaranka,kuwaasi oo isku gadaamay darbi weyn uu senatorka ka gudbi waayay.
Wuxuuna la kulanka madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha u daneynayaa si uu ugu gudbiyo tabasho ay qabaan shacabka uu ku metalo Kursiga Xildhibaano ee Hirshabeelle,taas oo wax badan uu ku sheegay fadhiga guud ee Golaha Aqalka sare.
Sidoo kale,dagaal siyaasadeed ayaa Dowladda kala dhaxeeyo Muuse Suudi oo ahaa mid ka mid ah hoggaamiye kooxeeyadii dalka soo maray marna dalka ka ahaa mid laga cabsado.