Muqdisho:-Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Galmudug aya maanta waxay magaalada Dhuusamareeb ku doorteen Guddoomiye ku meel gaar ah.
Xildhibaannada ayaa waxa ay guddoomiyaha ku meel gaar ah u doorteen xildhibaan Xasan Keynaan Xalane.
Xildhibaan Xasan Xalane ayaa ah xildhibaanka da’ ahaan ugu wada weyn dhammaan xubnaha kale ee Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug ku jira, ee u badan dhalinyarada, waxaan uu sii ahaan doonaa guddoomiyaha ku meel gaar ah, ilaa iyo inta laga soo dooranayo guddoomiyaha rasmiga ah ee Baarlamanka 2-aad ee Galmudug.
Dhanka kale waa markii ugu horraysay ay xildhibaannadan xusubi ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay, waxaana laga dareemayaa magaalada Duusamreeb u diyaar garowga doorasho.